Kooxda Kubada Cagta Leicester City Oo Dhulka Oo Karbaashtay Arsenal Iyo Rajadii Gunnerska ee Ka Qeyb Galka Champion League Oo Mugdi Gashay
April 28, 2019 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Kooxda Arsenal ayaa guul daro xanuun badan kala kulantay Kooxda Leicester City kulan ku soo idlaaday 3-0 xili Arsenal ay ku ciyaarayeen 10 xidig.
Qeebtii koowaad ee kulanka ayaa ku soo dhamaaday bar-baro gool la’aan xili labada koox ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan balse Kooxda Arsenal waxaa calaamada casaanka ka qaatay Maitland-Niles daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta.