Laba Taliye Ciidan Oo Lagu Dilay Aaga Deegaanka Gar Adag Ee Gobolka Sanaag
April 30, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa (Ilays- News):- Warar Ka Imanaya deeganka Gar Adag ee gobalka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in la dilay taliyihii Xabsiga Gar Adag iyo Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska degmada Gar Adag
Labadan taliye ee la dilay ayaa la sheegay in magaalada Gar Adag kaga baxeen qaab dhuumasho ah kadib markii magaladaasi ay ka bilaabmatay mudaharaad-yo lagaga soo hor jeeda muwaadin magaaladaasi u dhashay oo shalay ku dhex dhintey xabsiga magaalada Ceerigaabo
Labada Sarkaal ayaa Magacyadoodu kala haayeen Gaashaanle Cabdillahi Axme Talan oo ahaa Taliye Kuxigeenka Ciidanka Asluubta Degmada Gar Adag Iyo Cabtan Nuur Awcali Nuur oo ahaa Taliye Kuxigeenka Booliska Degmada Gar Adag labadan Taliye ciidan ayaa ka soo jeedat DeegankaGobola Awdal.