Venezuela: Rabshado Ka Dhacay Caasimada Iyo Inqilaab Fashilay?
May 1, 2019 - Written by Berbera Today
Venezuela(Berberatoday.com)-Venezuela ayaa sheegtay in kooxda Mucaaridka ah isku dayeen Salaasadii Inqilaab militari balse ay fashiliyeen.
Madaxweyne Nicolas Maduro ayaa sheegay in uu weli heysto taageerada buuxda ee militariga dalkaasi, maalin kadib markii Hogaamiyaha Mucaaridka Juan Guaido oo isagu horey u sheegtay inuu yahay Madaxweynaha KMG-ka uu ku baaqay kacdoon ay xukunka kula wareegaan.
Juan Guaido ayaa Salaasadii shalay muuqaal uu ku faafiyey bartiisa twitter ugu baaqay shacabka inay isugu soo baxaan wadooyinka magaalada Caracas ee caasimada dalkaasi, wuxuuna sheegay inuu ku sugan yahay Saldhiga militari ee ku yaal magaalada uuna heysto taageerada militariga isagoo sheegay inay galayaan hawlgalkii ugu danbeeyey oo xukunka looga tuuri lahaa Madaxweyne Nicolas Maduro.
Baaqan hogaamiyaha mucaaridka ayaa keenay in wadooyinka magaalada Caracas ay isugu soo baxan taageerayaasha labada dhinac, waxaana jira iska horimaadyo hubeysan oo ka dhacay gudaha magaalada oo dhexmaray koox hubeysan iyo ciidamada daacada u ah dowlada oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 70 qof.
Mucaaridka ayaa sheegay in maanta oo Arbaca ah ay qaban doonaan banaanbixii ugu weynaa ee taariikhda dalkaasi.
Wasiirka Gaashaandhiga ee Venezuela Vladimir Padrino ayaa sheegay in rabshadihii shalay ka dhacay caasimada uu ahaa Inqilaab fashilay.