Janaraal Haftarka Libiya Oo Ka Hor Yimid Xabad Joojinta Bisha Ramadaan
May 6, 2019 - Written by admin
Tripoli(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha fallaagoobay ee dalka Liibya, Janaraal Khaliifa Haftar ayaa soo saaray farriin ah in ciidammadiisa ay guluf hor leh ku qaadaan magaalada caasimadda ah ee Tripoli saacado uun kaddib markii Qaramada Midoobey ay ku baaqday dhinacyada isku hayo colaadda inay wada gaaraan heshiis xabad joojin ah bisha barakeysan ee Ramadaan.
Qaramada Midoobey waxay codsatay in xaaladda ban’iidanimada la dhowro balse Janaraal Haftar ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa inay ballaariyaan go’aankooda iyo damacooda ah inay weeraro kale ku qaadan magaalada Tripoli si ay ula wareegaan gacan ku heynta halkaasi.