Akhriso”Waddamada Xilliyada Ugu Dheer Iyo Xilliyada Ugu Gaaban Laga Soomo Dunida
May 7, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa maanta inta badan laga soomay dalalka caalamka, iyadoona ay kow tahay bisha barakeysan ee Ramadaan. Muslimiinta ku kala nool guud ahaan caalamka ayaa ku kala gedisan saacadaha la soomo, oo waxaa dalalka qaar laga soomaa wakhti ku dhaw 24 saac.
Wargeyska The Gulf News oo wax ka qoray saacadaha laga soomo dalalka caalamka ayaa daabacay liiska waddamada saacadaha ugu badan laga Soomo iyo kuwa laga soomo saacadaha ugu yar.
Wuxuu Wargeyska liiska ku xusay farqiga u dhaxeeya Salaadaha Subaxa ilaa iyo Makhhribka oo ah xilliga soonka uu billoowdo iyo xilliga la afuro.