berberatoday.com
Xusuustii Xaaji Cabdi-Waraabe Ee Caleemasaarka Boqoradda Ingiriiska
May 12, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ku magac dheeraa “Cabdi-Waraabe” oo ugu da’ waynaa golaha guurtida Somaaliland, da’diisana lagu sheegay in ay ahayd 121 sano ayaa maanta maanta lagu aasay magaalada Hargeysa.

Xaaji Cabdi-Waraabe oo ahaa caqiilka guud ee Somaliland ayaa noqday caaqilka beeshiisa 12 sano ka hor, inta boqoradda dalka Ingiriirska ee Queen Elizabeth II aysan la wareegin boqortooyada. Haddaba intii uu noolaa ayuu BBC-da uga sheekeeyay waayihiisa nolaleed iyo in uu u soo joogay waxyaabo badan oo ay ka mid tahay caaleemasaarka boqoradda Ingiriiska. Hadalkiisana waxa uu u dhacay sida tan.

Magaceygu waa Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf waxaanan ku magac dheerahay “Xaaji Waraabe”. Waxaan jiraa 115 sano. Ma aqaan sanadka saxda ah ee aan dhashay, anigu waxba ma akhriyo waxbana ma qori, basle waan hubaa in da’deydu ay intaasi tahay.

Waxaan aad u xasuustaa markii la boqrayay ama la caleemasaarayay boqoradda. Xaqiiqdii, waxaan xasuustaa markii la boqrayay aabaheed King George VI [saandkii 1937]. Adeerkay ayaa ka qaybgalay munaasabadda caleemasaarka oo ka dhacday London.

Intii lagu guda jiray caleemasaarka boqoradda Elizabeth, dabbaaldegyo waaweyn ayaa ka dhacdayay magaalada Hargeysa. Magaalada oo dhan ayaa la xiray, waxaana la dirayay farriimo badan oo hambalyo iyo boogadin ah oo lagu dirayay telegaraam.

Waxaan weli xusuustaa maalintaasi cajiibka ahayd. London laba jeer ayaan tagay, basle nasiib darro marna lama aanan kulmin boqoradda.

sawir

Waxaan markii ugu horreysay noqday caaqil, markii Somaliland ay ahayd maxmiyad Ingiriisku leeyahay. Waxaan si dhow ula shaqeeyay saraakiishii gumeysiga Ingiriiska, iyaga ayaana ii doortay guddoomiyaha guud ee cuqaasha. Iyaga ayaan si fiican ula shaqeeyay muddo 20 sano ah, ilaa madax-bannaanidii 1960-kii.

Aad ayaan u jeclaa Ingiriisku, sababtuna waxay ahayd, nabad ayay keeneen dhulkayaga. Markii ugu horeysay ee ay yimaadeen, qabaa’illadu waxa ay ahaayeen kuwo col ah oo is haysta. Waanu isdileynay oo aan dagaallamaynay, arrintaana waxaa joojiyay Ingiriiska.

Haddii aan si daacad ah u hadlo, xorriyaddii ka dib, xaaladdeydu wax weyn iskama aysan baddelin. Awoodeydii caaqilnimo sideedi ayay ahayd, maadaama Ingiriiska iyo siyaasiintii Soomaliya ay iga doonayeen hal arrin oo ah talo.

Waxaan ku dhashay meel ka baxsan magaalada Hargeisa ee caasimadda Somaliland, gaar ahaanna aagga uu hadda ku yaal garoonka diyaaradaha. Xilligaasi ma aysan aheyn magaalo ee waxay ahayd meel cidlo ah.

Waxaan ahaa nin reer guuraa ah tan iyo markii aan dhashay, waxaan sidoo kale ahaa caaqil in ka badan 70 sano, haddii aan si kooban u irahdo laga soo billaabo saandkii 1940.

Hadda waxaan ahayn caaqilka guud oo ah madaxa cuqaasha. Hoggaamiyaha ugu sarreeya hoggaanka dhaqanka ee Somaliland. Naanaysteydu waa Waraabe.

Nolasha reer guuraaga

Markii aan afar jir ahaa, waxaan billaabay inaan raaco maqasha sida naylaha iyo waxaraha. Markii aan yara weynaaday, shaqadaydu waxay ahayd in aan raaco nirgaha. Ka dibna waxaan billaabay in aan raaco geela oo ah kan ugu qiimaha badan dhammaan xoolaha ay Soomaaliyu dhaqato.

Inkasta oo aan hadda ahay nin da’ ah oo aan si firfircoon u raaci karin xoolahiisa, haddana weli waxaan isu arkaa nin reer miyi ah, oo waxaan mar kasta oo aan awoodo aan soo booqdaa xoolahayga.

XAAJILahaanshaha sawirkaAXMED CIGE

Nolasha reer guuraga ayaa si weyn isu badashay tobannaankii sano ee la soo dhaafay. Waxay ahaan jirtay inaga iyo xoolahayaga iyo dhulkaa miyiga ah ee aan xoolaha ku dhaqanno oo kaliya.

Haddase dhulkii oo dhan waxaa qabsaday tuulooyin, waddooyinka iyo gawaari meel kastaa galeysa.

Dadku wuxuu nabaad-guurinayaa bay’ada, oo waxaa la jarayaa dhirta oo dhan oo dhuxul laga shidayaa.

Anigu weligay hawlgab ka noqon mayo xilka aan hayo ee ah guddoomiyaha guud ee cuqaasha. Waxaan doonayaa inaan sii wado hawshaasi ilaa iyo inta aan awoodo – illaa iyo inta ay maskaxdaydu si habboon u shaqeynayso. Dadku waa ay i ixtiraamaan, aniguna waan ixtiraamaa.

Fadlan naga gaarsii boqoradda hambalyo iyo booqaadinta aan u direyno, gaar ahaan haddii aanu nahay golaha guurtida ee Somaliland.

 

 

Source BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews