Maxkamad Xukun Ku Fulisay Madaxweynihii Hore Ee Dalka Kenya Daniel Arap Mo
May 17, 2019 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Maxkamadda sare ee waddanka Kenya ayaa ku amartay madaxweynihii hore ee waddanka Kenya Daniel arap Mo, in uu bixiyo lacag dhan 10 milyan oo dollar si loo siiyo qoys uu si sharcidarro ah dhul uga qaaday intii uu hayay xilka madaxweynimo ee Kenya.
dhulkan ayuu dadkii lahaa khasab kaga qaaday muddo hadda laga joogo 36 sanno.
Daniel arap, ayaa Kenya soo xukumay sannnadadii 1978 ilaa 2002.
Madax badan oo Afrikaan ah ayaa marka ay xilka hayaan si sharcidarro ah ku qaata dhul ay leeyihiin dad aan markaa awoodin in ay iska waabiyaan.