Ergo Gudoomiye Saleebaan Hogaaminayey Oo Gacmo Madhan Kala Soo Noqday Madaxweyne Muuse Iyo Codsi Uu ka Diiday
May 28, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xubno ergo is xil-qaantay oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland , isla markaana uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, kuwaas oo duubka u xidhay sidii ay Madaxweyne Biixi ugu qancin lahayeen inuu xabsiga ka soo daayo Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, ayaa la sheegay in madaxweyne Biixi ku gacan saydhay dalabkooda.
Xubnaha ka koobnaa Golaha Guurtida Somaliland ayaa Madaxweyne Biixi kulan la xidhiidha arrintaasi la qaatay, haseyeeshee Xoggaha na soo gaadhaya ayaa sheegay inuu Madaxweyne Biixi iska taagay mawqif adag , isaga oo daliillo sharci ah ku qanciyey Xubnahaasi una sheegay in aanay suurtagal ahayn in hadda Xildhibaan Dhakool laga soo daayo Xabsiga.