“Ramaax Oo Xilkii Waayay, Waa Saajinkii Odwayne Oo Mijintii Waayay” Cali Guray.
May 29, 2019 - Written by admin
Ramaax wuxu I xasuusiyay saajinkii Oodwayne. Shookiga (Saldhigga Bilayska) Odwayne ayaa waxa la idhi waxa haysan jiray saajin bilayska ahaa. Saajinku mijin jaad ah ayuu gelinka dambe ku qayili jiray. Markuu soo qadeeyo ee mijinta u fadhiisto ayuu sheekeeyaa uu filim barwaaqeeye ah u saaraa saaxiibadiisa la fadhiya. Miyaa ogtihiin in dhulkeenu badrool ka buuxo. Anigu ka xidhka saliidda ka soo fatahay in aan cadayga daray baa walaahiya Odwaynahan aynu joogno ayuu hoos ceegaagaa. Hadana wuxu yidhaa dunidan is wada haysataa ma waxa moodaysaan inay wax kale isku haysataan saw wankeenan madax madow maaha waxa la isku haystaa.