Dawlada Kenya Oo Qabatay Lacag Uu Watay Sarkaal Xidhiidh La Leh Qoyska Madaxweyne Farmaajo
May 31, 2019 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa ku warramay habeenkii Isniinta in lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi shandad ay ku jirtay lacag gaadhaysa 1.7 milyan oo doollarka Marekanka ah (Sh170 milyan) oo ka timid Soomaaliya.
Lacagta waxaa lala xidhiidhiyay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, wallow aan la magacaabin, balse warbixinta uu wargeyska baahiyay ayaa lagu sheegay lacagta oo la soo mariyay dhanka Itoobiya shaqsiga iska leh inuu xidhiidh la leeyahay qoyska madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.