berberatoday.com
Mareykanka Oo Sharciyo Cusub Ku Soo Rogay Dadka Dalkiisa U Socdaalaya + [ Nooca Ay Yahiin ]
June 2, 2019 - Written by admin

USA(Berberatoday.com)-Dhamaan dadka dalbanaya dal ku galka Mareykanka ayay tahay in ay soo gudbiyaan faah-faahinta ay baraha bulshada ku isticmaalaan, sharcigaasi ayaa goor dhaw dhaqan galay.

Waaxda sharciyada Mareykanka ayaa sheegtay in ay dadka soo gudbiyaan magacyada ay baraha bulshada ku isticmaalaan iyo email aderees-yadooda oo ilaa muddo shan sanadood ah shaqeeynayay iyo sidoo kale telefoon nambaradooda.

Markii sannadkii hore la soo saaray sharcigaan ayay maamulku sheegeen in uu saameyn ku yeelan doonto 14.7 million oo qof sannadkiiba.

Balse sharcigan cusub ayaan saameyn doonin saraakiisha iyo diblomaasiyiinta doonaya in ay u safraan Mareykanka.

“Waxaan markasta ka shaqeeyn doonnaa hababkii lagu hormarin lahaa geedi socodka baaritaanadeena, kuwaasi oo an ku difaaceeyno muwaadiniinteena,” ayay waaxda sheegtay.

Markii hore waxa baaritaanka noocaan ahi mari jiray dadka laga shakiyo oo baaritaan dheeraad u baahda, kuwaasi oo ka yimaada waddamada ay maamulaan ururada argagixisada.

Balse haatan qofkasta oo dalbada dal ku galka Mareeykanka ayuu qabanayaa sharcigaan.

Qof kastaa oo ka been sheegana macluumaadkiisa waxa uu la kulmaayaa “ganaaxyo adag oo dhanka socdaalka ah”, sida laga soo xigtay sarkaal la hadlay warbaahinta Hill.

Maamulka Trump ayaa markii ugu horeeysay sharcigaan soo jeediyay bishii Maarso ee 2018-kii.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa isbedel xoog leh ku sameeyay socdaalka oo ka mid ahaa qodobadii ugu waaweynaa ololihiisii lagu soo doortay sannadkii 2016-kii.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews