Mauricio Pochettino Oo Sharaxay Dareenkiisa Kaddib Guuldaradii Finalka Champions League
June 2, 2019 - Written by admin
Madrid(Berberatoday.com)-Macalinka kooxda Tottenham Hotspur ee Mauricio Pochettino ayaa tilmaamay dareenkiisa kaga aadan guuldaradii 2-0 ahayd ay xalay kala kulmeen Liverpool kulankii finalka Champions League.
Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa ku guuleystay xilli ciyaareedkan 2018-19, koobka Champions League kaddib markii ay 2-0 ku garaaceen xalay kulankii Final-ka ahaa naadiga Tottenham.
Mauricio Pochettino ayaa ciyaarta kaddib u sheegay saxaafada:
“Anigu ma hadli karo, waxaa nagu dhacay niyadjab aad u weyn, inkastoo aan waxwalba sameynay, laakiin waxaan ku faanayaa ciyaartoyda”.