Puntland Oo Heshiis Lagu Dhisayo Deked Cusub La Saxeexatay Shirkad China Ah
June 2, 2019 - Written by admin
Garowe(Berberatoday.com)-Puntland ayaa heshiis lagu dhisayo deked cusub oo laga hirgelinayo degmada Eyl la saxeexatay shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation Ltd (CCECC).
Dhismaha dekedda ayaa lagu sheegay inay horumarinayso ka faa’iidaysiga khayaraadda badda, korna u qaadaysa shaqa abuurka iyo dhaqaalaha dalka, iyadoo saxiixa heshiiskan uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku jooga caasimada dalka Shiinaha ee Beijing.
Shirkada CCECC oo hirgelinaysa dhismaha dekeda Eyl ayaa waxaa xarunteeda weyn ay ku taalla magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxayna hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horreeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal.