“Badhasaabkii Oo Xanaaqsani Ila Soo Hadlay Oo Igu Yidhi Waan Ku Eryayaa…” Khilaaf Ka Dhexqarxay Maamulka Gobolka Awdal
June 2, 2019 - Written by admin
Borama(Berberatoday.com)-Badhasaab ku-xigeenka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Nuur Sugaal ayaa guddoomiyaha goblkaasi ku eedeeyay inuu Hargeysa la fadhiistay lacagtii kharashaadka xuska 18-may ee loogu dhiibay golka Awdal. Cabdiraxmaan Nuur Sugaal oo shalay warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan magaalada Boorama ayaa sheegay in isaga iyo badhasaabka gobolku uu ka dhexeeyo khilaaf uu sheegay inuu ka dhashay kharashaadkii loogu talo galay xuska munaasibadda 18-may ee gobolka Awdal.
“Arrintan maalmahan dambe taagan ee laygu dhaleecaynayay, waxay nagga dhaxaysaa aniga iyo maamulka gobolka, halkaas ayuu arrinkayagu ka bilaabmay. Badhasaabku wuxu sheegay inuu lacag ii soo diray oo maayirka aanu isku dirno, aniguna waxan idhi, lacagta aniga ayaa ka masuul ah oo ah maamulkii gobolka ee ii soo dir. Wasiirka arrimaha gudaha ayaan u sheegay, waxay ahayd maalin khamiis ah oo jimce uuni u dhexeeyay maalinta xuska 18-may, wuxu wasiirku Igu yidhi; lacagtii miyaanay ku soo gaadhin?