Is Bar-bar Dhig Lagu Sameeyay Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta oo Ku Saabsan Kala Fogeynta Bulshada
June 3, 2019 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa is bar-bar dhig ku sameeyay qaabka bulshada ay Madaxweynaha u yihiin isugu hayaan Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi.
Mustafe Shiine ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu awoodi kari waayey in uu isku soo dhaweeyo ilmaadeeradii, marka laga yimaadaba bulshada kale ee reer Somaliland.
Halka uu Madaxweyne Uhuru ku tilmaamay mid kolba direys u xidhanaya siduu u mideyn lahaa malaayiinta uu talada u hayo.