“Madaxwayne Sidii Bariga Sanaag Loo Waayay Yaan Madaarka Hargaysa Loo Waayin Ee Xilka Ka Qaad Mareeyaha Duulista ….” ….Xildhibaan Siciid Libaaxo”Daawo Muuqal
June 6, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha guurtidda somaliland ayaa eedo culus waxa uu u jeediyay maareeyaha duulista somaliland oo ku edeeyay inuu ku fashilmay shaqadii loo igmaday.
Xildhibaanka ayaa sheegay in madaarkii hargaysi u dhaw-yahay inuu xidho,waxaana uu madaxwayne muuse biixi ugu baaqay inuu talaabo ka qaado isaga oo eegaya danta somaliland oo ku jirta waxaana uu yidhi.
“Muuse biixi waxa uu madaarkii keenay oday aan waxba garanayn oo bari hore ka soo shaqayn jiray hawlaha diyaaraddaha haddana aan la socon xaqiiqadda jirta waxa uu ku soo kordhiyo daaye meeshiiba waxa ay u dhaw dahay in ay baabado,markaas waxaanu leenahay madaarkii wuu xidhmayaa waanu uu baaba’ayaa waana meeshii kali ahayd ee inagu xidhi lahayd caalamka.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay eryal tv