berberatoday.com
Cida Ay Yihiin Qorshe Ay Kenya Dalkeeda Kaga Mamnuucayso 66 Siyaasi Oo Soomaali Ah
June 6, 2019 - Written by admin

Moqdisho(Berberatoday.com)-Xidhiidhka u dhaxeeya wadamada soomaaliya iyo Kenya ayaa maraya halkii ugu xumayd.

Dowlada Kenya ayaa hada wada qorshe ay dalkeeda uga mamnuuceyso 66-qof ay ku jiraan Siyaasiyiin caan ah, Xubno katirsan dowlada Federaalka, saraakiil ciidan , ganacsato iyo dad kale oo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo.

Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray in uu helay xogta 66-qof oo Soomaali ah ay Kenya dalkeeda ka mamnuuceyso, waxaana dadkaasi ku jirawasiir ka tirsan xukuumada Soomaaliya, ra’iisul wasaare hore, xubin ka tirsan baarlamaanka, ku xigeenka madaxa sirdoonka ee Soomaaliya iyo milkiileyaasha shirkad isgaarsiineed.

Sida uu qorayWargeyska The Standard dadka Kenya dalkeeda ka mamnuuceyso ayaa waxaa ku jira dad kasoo jeeda Qabiilka Madaxweyne Farmaajo, kuwaa oo heesta dhalashada dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa sii wada cadaadiska ay ku heyso dowlada Soomaaliya , waxa ayna Kenya dooneysaa in dowlada federaalka ka laabato kiiska dacwada badda ee Maxkamada caalamiga taala laguna xaliyo muranka qaab diblumaasiyadeed.

Kenya ayaa dalkeeda bishii hore kasoo celisay wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Baarlamanaka federaalka Soomaaliya, waxa ayna Kenya joojisay fiisihii ay garoonka Nairobi ka qaadan jireen Masuuliyiinta dowlada.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews