Baanka Adduunka Oo Shaaciyey In La Musuqmaasuqay Malaayiin Doollar Uu Somaliland ku Caawiyey
June 8, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Baanka Adduunka, ayaa shaaciyey caddaymo musuqmaasuq oo la xidhiidha Lacag dhammayd Toban Milyan oo Doollarka Maraykanka ah oo loogu talo-galay tayeynta iyo tirokoobka shaqaalaha dowladda Somaliland.
Warbixin ku saabsan qoraal lagu daabacay website-ka Bankiga adduunka oo lagaga hadlay sida lacagtaas loo isticmaalay iyo qaabka lagu qaatay oo ay xubno ajaanib ahi qaateen malaayiin doollar oo lagu sheegay inay shaqaale iyo la-taliyeyaal u noqdeen Hay’adda Shaqaalaha dowladda, kuwaas oo Soomaali iyo Ajaanib isugu jira.
Haddaba, Warbixintaas oo maqal iyo muuqaal ah, waxaan idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee dhegaysi-daawasho wacan oo wanaagsan