Boqor Buurmadow Oo Xukuumada Ku Eedeeyay In Aanay Daacad Ka Ahayn Wax Ka Qabashada Colaada Ceel-afweyn
June 8, 2019 - Written by admin
UAE(Berberatoday.com)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa xukuumada madaxweyne Biixi ku eedeeyay in aanay ka daacad ahayn nabada Ceel-afweyn, isla markaasna xukuumadu ay bixin wayday waxyaabihii ay ballan qaaday.
Waxa uu Boqor Buurmadow xukuumada ku dhaliilay inay xabsiga dhigtay cid kasta oo gacan ku dhiiglayaashii kala danbeeyay wax ka qaban lahayd ama raacdayn lahayd, isla markaasna aanay xukuumadii waxba soo qaban, waxaanu xukuumada ku tilmaamay inay fulinteedii ka maqan tahay iyo la shaqaynta dadka deegaanka, isla markaasna ay sii murginta xaalada Ceel-afweyn ay ku hawlantahay Boqor Buurmadow ayaa sidan sheegay isaga oo u waramaayay Bulsho Tv, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay.