berberatoday.com
Xil Ka Qaadistii Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliya Oo Laga Cabsi Qabo In Ay Dalkaasi Ka Abuurto Khilaaf Siyaasadeed Iyo Baarlamaanka Oo Kulan Deg Deg Ah Ka Yeelanaya
May 6, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah yeelanaya kulan deg deg ah oo ku saabsan xil ka qaadistii shalay uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf.

bar

Kulankan ayaa waxaa iclaamiyay Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo maalinta khamiista aanay inta badan Baarlamaanka wax kulan ah laheyn, Xildhibaanada ayaa fariin qoraaleed lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan kulankan deg dega.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka soo hor-jeestay xil ka qaadista Madaxweynuhu ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxaana tani ay keeni kartaa khilaaf siyaasadeed, xilligan kala guurka ah.

Khilaafyada siyaasadeed ee ku saleysan awoodaha sharciga ayaa waxay aheyd mid soo jireen ah, marka la galo xilli kala guur ah.

Lama oga go’aanka Xildhibaanada qaadan doonaan, balse waxay noqon kartaa arrin saameyn weyn yeelata, marka la eego sida Xildhibaanada uga fal celinayaan sababta xilligan loogu soo beegay xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare.

Guddoomiyaha cusub ee Maxakamadda sare ee dalka ayaa loo magacaabay Ibraahim Iidle Saleebaan, kaasoo todobaadkii hore iska casilay xilkii Garyaqaanka Guud ee Somaliland oo uu muddo shan sano hayay.

Xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare iyo magacaabista Guddoomiyaha cusub ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Federaalka ay muddo saddex bil u harsan tahay xilligeeda.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews