Ma Dhabaa In Xukuumada Somaliland Boqor Buurmadaw Ka Dacwaysay Imaaraadka?
June 9, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo Kalluumaysiga ee xukuumadda madaxweyne Biixi
ayaa lama filaan ku tilmaamay in dawladda Imaaraadka Carabta oo saaxiib la ah Somaliland ogolaato in Boqor Buurmadow dalkeeda ka soo mucaarado xukuumadda Somaliland.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo dalka Imaaraadka jooga ayaa dhawr jeer saxaafadda ka dhalliilay xukuumadda Biixi waxaana si gaar ah u damqay xukuumadda shirka uu sheegay in uu Burco ku dhexmarayo beelaha Galbeedka iyo Bariga Burco.