Madaxweyne Biixi Si Xeeldheer Ayuu Uga Warramaa Dhibaatada Bulshada Haysta, Waxa Se Laga Dhowrayaa Qorshihii Xukuumaddu Ku Waajihi Lahayd!
June 13, 2019 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxa la dareemayay inuu jeediyay khudbado badan kuwaas oo uu kaga hadlay dhibaatooyinka dalka ka jira, isla markaasna aanu ku darayn wax talaabo ama qorshe ah oo arintaas ay xukuumadiisu ku wajahayso.
Madaxweynaha oo si xogogaalnimo ah uga sheekeeya waxyaabo badan oo dalka dhibaatooyin ku haya oo uu qaarkood gaadhsiiyo aafo qaran ayaanu hadana soo bandhigin siyaasad xukuumadiisu ay ka qaadnayso ama ay ka qaadatay si dhibtaas wax looga qabto.