Doon Urarnayd Ganacsatada Somaliland Oo Degtay Iyo Badeecada Saarneyd OO La Shaaciyay
June 14, 2019 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Doonta Degtay oo Magaceeda Lagu sheegay Almohamed Naciim oo Dabayaaqadii Bishii Ramadan kasoo Shiraaqatay Dekada magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa urarnayd ganacsato Reer Somaliland ah saaka hiirtii subaxnimo ayaanay biyaha bada ku degtay doontaasi sida warbaahinta usheegay Cabdiraxiim Saleebaan Jaamac oo kamid ah ganacsatada ay doontu urarnayd.
Sheekh Cabdiraxiim ayaa xaqiiiyay in Doontasi Degtay saaka Xiligii salaada Subax Lagu Jiray Kadib markii dabaylo Xoogan oo ah Kuwii xagaaga ay ka Horyimaadeen Socodkuna ku adkaaday, Cabdiraxiim Wuxuu Intasi ku daray in Doontu u Jirtay Berbera masaafo dhan 140 Mail lakiin ay Awood u wayday Dabaylaha Xoogan daraadood in ay soo jiidho waxaana isku dayday in ay dhufays ka dhigato inta dabayshu yaranayso magaalo xeebeeda mukula ee dalka Yemen laakiin taasi way usuura gali wayday ayuu yidhi.