Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Tirada Ajaanib Ay Dalka Ka Saartay Iyo Kuwo Ay Ruqsad Shaqo Siisay
June 14, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada somaliland ayaa soo bandhigtay tirada dad ajaanib ah oo ay dalka ka saartay iyo kuwo ay siisay ruqsad shaqo oo ay dalka kaga xoogsan karaan.
Wasiirka shaqo gelinta, arimaha bulshada iyo qoyska marwo Hinda Jaamac Gaani ayaa warbixin ay siisay golaha wasiirada somaliland waxa kale oo ay ku soo bandhigtay wadamada ugu badan ee ay ka soo jeedaan dadka ajaanibka ah ee la celiyey
Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska ayaa ku dheeraatay ahmiyada shaqada wasaaradda iyo waajibaadka ka saaran adeega aas-aasiga ee bulshada iyo ilaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo wasaaradu sannadkii 2018, xuduudaha dalka ugu samaysay adeeg carruur isugu jira muwaadiniin iyo ajaanib, carruurtaas oo ah carruurta socdaasha (Child on the move) tiradooduna gaadhaysay 1,798 (kun todoba boqol iyo siddeetan carruura) isla markaana tirada muwaadiniinta oo dhamayd 1,031 ( kun iyo koob iyo soddon carruura) lagu celiyey guryahoodi, halka 767 (todoba boqol iyo todoba lixdan carruura) oo ajaanib ahna lagu celiyey dalalkii ay u dhasheen oo ahaa Itoobiya, Jabuuti iyo Kiiniya.