Sagaal Ruux Oo Dil Wadareed Xalay Loogu Geystay Gaalkacayo
June 15, 2019 - Written by admin
Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay Magaaladaasi lagu dilay Sagaal ruux oo dhalinyaro ahaay.
Amuurtaan ayaa timid, kadib markii laba nin oo hubaysan ay dileen nin lagu magacaabi jiray Marxuum Cali Dhiif oo ka mid ahaay Saraakiisha Ciidamada Nabad Suggida Maamulka Galmudug.
Raggii dilka gaystay ayaa waxaa la shegay inay eryadeen dad ka carooday dilkaasi, waxaana dadkaasi ay galeen Xaafad ku taalo duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo dhalinyaro careysan uga daba tageen, kadibna dil ay ka gaysteen.
Waxaa la sheegay in goobtaasi lagu dilay dad gaaraya 8 ruux oo intooda badan guryaha laga soo saaray, islamarkaana la xasuusay dadkaasi.
Kooxdii dilkaasi gaysatay ayaa ka baxsatay goobta, kadib markii ay xaqiijiyeen inay laayeen dadkaasi shacabka ahaa.
Dhacdadan oo noqotay mid argagax badan ayaa si wayn waxaa looga hadal hayaa Magaalada Gaalkacyo oo falkaan naxariis darada ah uu ka dhacay.