Saddex Qof Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacaymagaalada London Ee Caasimada Dalka Ingiriiska.
June 16, 2019 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Waxaa sii kordhaya dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.
Hal qof ayaa lagu dilay weerar dhacay saacadihii la soo dhaafay taasi oo ka dhigan inay noqoneyso dilkii Saddexaad.
Taliska booliska magaalada ayaa sheegay in habeenimadii xalay nin 30 jir ahaa lagu dilay agagaarka daarta Tower Hamlets ee bariga London.