berberatoday.com
Dhamaan Masaajidada Ku Yaala Dalka Turkiga oo Laga Oogay Salaad Jinaaso Ah Oo Loo Tukanayo Maxamed Mursi
June 19, 2019 - Written by admin

Istanbul(Berberatoday.com)-Masaajidada ku yaala dhamaan dalka Turkiga ayaa laga oogay Salaad Jinaaso ah oo ay u tukanayaan Maxamed Mursi, Madaxweynihii hore ee dalka Masar oo ku geeriyooday Isniintii magaalada Qaahira oo ay maxkamadayntiisu ka socotay.

Masuuliyiinta diinta ee dalka Turkiga ee Diyanet, ayaa ku baaqay in maalinta salaasada oo maanta ku beegan in 81-ka gobol ama degmo ee dalka oo dhan laga oogayo salaad jinaaso ah oo loo tukanayo aaska Maxamed Mursi.

Turkiga Oo Laga Oogay Salaad Jinaaso Ah Oo Loo Tukanayo Maxamed Mursi

Alle ha u naxariistee, Maxamed Mursi ayaa hogaamiye u ahaa kooxda Ikhwaanul Muslimiin, waxaanu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee markii ugu horaysay si xor ah looga qabtay dalka Masar sanadkii 2012-kii, sanad ka dib markii dibadbax dalkaasi ka dhacay xukunka lagaga tuuray hogaamiyihii mudada dheer talinayey ee Maxamed Xusni Mubaarak.

Hase yeeshee, Maxamed Mursi xafiiska kumuu sii waarin oo waxa soo gaabiyey xukunkiisa oo talada ka turay, xabsigana dhigay Milatariga oo Afgambiyey 2013-kii oo uu hogaaminayey Wasiirkiisii Difaaca oo hada ah Madaxweyne, Cabdulfataax Al-Casiisi.

Xisbiga talada dalka Turkiga haya ee AK Party ayaa taageeri jiray dawladii Maxamed Mursi, waxaana xubno badan oo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin ay u soo qaxeen dalka Turkiga tan iyo intii xayiraada lagaga soo rogay dalka Masar sanadkii 2013-kii.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews