Markab Nooca Koonteenarada Xambaara Oo Laba Maalmood Dekeda Berbera Ku Xayiran Iyo Sababta
June 20, 2019 - Written by admin
Berbera(Berberatoday.com)-Mid Kamida Maraakiibta Koonteenarada Xambaara ee Caalamiga ah ee ay leedahay shirkada MSC ayaa maalintii labaad ku xayiran Dekeda Berbera kadib markii Maxkamada Gobolka Saaxil amar Xayiraada qoraal kusoo saartay iyada oo maxkamadu tixraacaysa qoraal maamulka Wakaalada Dekedaha Somaliland soo saartay oo sheegaya inay dhamaan maraakiibta Dekeda Berbera badeecadaha keena bixiyaan lacag dhan 3500$ Dollar.oo lasheegay inay qaadi doonto shirkad magaceeda lagu sheegay(Somaliland Documentaion And Cantrol Of Declared)