Maydka Abwaan Maxamud Cabdillahi(Singub) Oo Jigjiga Laga Dajiyay Isagoo Calanka Dawlada Itoobiya La Huwiyay
June 21, 2019 - Written by admin
Jigjiga(Berberatoday,com)-Waxaa magaalada Jigjiga gaaray maydka Abwaan Maxamed Cabdullaahi Singub, oo miisaan culus ku lahaa fanka iyo Suugaanta Soomaaliga, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC-da ee magaalda Jigjida Cabdinaasir Xikam.
Abwaanka Allaha u naxariistee wuxuu talaadadii ku naf baxay magaalada Addis Ababa.
Ciidammada baambeyda ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa soo galbiyay maydka, waxaana garoonka ku sugnaa madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar iyo masuuliyiin kale oo badan.