Africa.com: Xiisaha Warbixinta Wiil Ku Dhashay Maraykanka oo Somaliland Ka Furay Shirkad
June 21, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Aadan Aabi oo ah wiil Maraykanka ku dhashay oo dhallinyaro ah ayaa dib ugu noqday Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Asal ahaan ka soo jeeday, waxaanu Hargeysa ka hirgaliyey Shirkad Caymiska ka shaqeysa oo la yidhaahdo Horn of Africa Insurance.
Aadan ayaa dhawaan lagu daray 30ka Hoggaamiye ee Dhallinyarada Afrika u soo baxaya, ee uu ku dhawaaqay French African Foundation.
Shabakada Wararka ee Wajaalenews, ayaa soo xigatay Shabakadda caalamiga ah ee Africa.com, oo warbixin xiise leh ka sameysay ninkaas dhallinyarada ah oo sheegay inuu go’aansaday inuu u guuro Somaliland oo ah dalka uu ka soo jeedo ee waalidkiinna ka yimaadeen, markii ay ka soo qaxeen dagaalladii Somaliland ka dhacay daboyaaqadii Siddeetamaadkii.