Midabbada Carrabku Sameeyo Ee Ku Xidhan Xaaladda Caafimaadka Iyo Calaamadaha Ay U Taagan Tahay
June 22, 2019 - Written by admin
Berlin(Berberatoday.com)-Bare-sare Peter Yuren oo ku xeeldheer qalniinka afka iyo ilkaha ayaa sheegay in isbedellada ku yimaadda midabbada carrabku ay tahay muraayad laga dheehan karo xaaladda caafimaad ee qofka, taas oo ay midabbada qaarkood inoo sheegayaan xaalad u baahan gurmad degdeg ah iyo calaamad muujinaysa xanuun khatar ah.
Bare sare Yuren waxa uu caddeeyey in marka ay fiican tahay xaaladda caafimaad ee qofku uu midabka carrabkiisu noqdo basali furan (Midabka ubaxa oo kale) isla markaana laga dareemayo dahaadh khafiif ah oo midabkiisu caddaan yahay, taas oo inta badan ay sababteedu tahay hadhaaga cuntooyinka uu qofku cunayo.