Saddex Wasiir Iyo Maareeyaha Dekedda Oo Madaxweynaha Kaga Sii Horeeya Imaaraadka
May 7, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Saddex wasiir oo kala ah wasiirada madaxtooyada Maxamuud Xaashi, arrimaha dibadda Sacad Cali Shire iyo qorshaynta Cali Salaan Jirde, oo uu weheliyo maareeyaha dekedda Berbera eng. Cali Xoor-xoor, ayaa khamiistii socdaal ku tagay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.
Weftigan ayaa waxa ay ka sii horumarayaan Madaxweyne Siilaanyo oo Isniinta toddobaadkan isna ka daba tagaya wasiiradan, waxaanay wasiiradani gogol xaadh u sii noqonayaan heshiis la filayo in Madaxweynuhu qalinka ku duugi doono oo dhex maraya shirkadda DP World( Dubai Ports World) kaas oo ku saabsan sidii ay shirkadaasi maalgashi ugu samayn lahayd dekedda Berbera.