Ayax Ka Dillaacay Deegaano Ka Mid Ah Somaliland
June 22, 2019 - Written by admin
Borama(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in deegaanno ka mid ah Gobollada Awdal iyo Saaxil uu ka dillaacay Ayax, kaasi oo faro-baas ku haya Wax soo saarkii Beeraha.
Wasiirka Beeraha oo isagoo ku sugan Magaalada Boorama, ayaa sheegay in deegaannada ay Ayaxu ka dillaacay ay ka mid tahay Degmada Lughaya ee Gobolka Awdal iyo Bariga Gobolka Saaxil.
