“Xukuumaddu Waxay Xukuumad Ku Tahay Inay Ilaaliso Sharciga”Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale
May 7, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inay Xukuumaddu gabtay waajibaad badan oo ay xaq u lahayd waajibna ka saarnaa inay wax ka qabato, waxaanu sheegay inay waxyaabo badan ay ku fashilantay.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sidoo kale Komishanka Doorashooyinka ugu baaqay inay xilkooda u gutaan sida ugu daacadsan,, waxaanu yidhi “Xukuumaddu waxay Xukuumad ku tahay inay ilaaliso sharciga dalka, inay xaq dhawrto xuquuqda dadka, inay sugto amaanka dalka iyo dadkaba, in wixii dhib keeni kara ka hor tagto, khilaafyada dhamayso, laakiin sida muuqata waxay Xukuumaddan Kulmiye ka seexatay waajibadkii saarnaa,oo ay ka mid tahay khilaaf ilaa hadda ka taagan Waqooyi, oo ay awoodi kari weyday inay dhibaatadaas dhamayso, oo waajibkeeda ka guduto, oo ka hor tagto wixii dhib ah ee halkaas ka iman kara, marnaba raali kama ihi mana doonayo in beelo walaalo ahi colaadi soo kala dhex gasho, ee waxaan ku talinayaa haddii Xukuumaddani awoodi weyday inay khilaafkaas wax ka qabato, in aqoonyahanada, wax-garadka iyo madax dhaqameedka reer Somaliland khilaafkan soo afjaraan, xaaladana wax ka qabtaan ”.