Waa Kuma Hoggaamiyihii Ka Dambeeyay Afgembigii Dhicisoobay Ee Itoobiya?
June 24, 2019 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay madaxii ammaanka gobolka Amxaarada Janaraal Asaminew Tsige inuu ka dambeeyay isku daygii afgembi ee ka dhacay gobolkaas.
Ilaa hadda lama garanayo halka uu ku dambeeyay janaraal Asaminew Tsige oo isagu si weyn loo dondoonayo.
Waxaa hadda socdaa baadigoob lagu raadinayo ninkan, sida ay BBC u sheegeen saraakiisha ku sugan goblka Amxaarada.