berberatoday.com
Askarigii Dilay Taliyihii Guud Ee Ciidammada Itoobiya Oo Nolol Lagu Hayo Iyo Wararkii Ugu Danbeeyey
June 25, 2019 - Written by admin

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Ciidammada booliska Federaalka ee Itoobiya ayaa raalli gelin ka bixiyay hadal ay shalay sheegeen oo ahaa in askarigii lagu eedeeyay inuu dilay madaxii ciidammada dalkaas Gen Seare Mekonnen uu is toogtay.

Bayaan kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in askarigii ilaalinayay taliyaha la dilay in hadda uu yaallo isbitaal lagana daweynayo dhaawac soo gaadhay.

Balse booliska ma aysan shaacin magaca askarigaas.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa horraan sheegay in askariga uu dilay Janaraal Seare iyo sarkaal sare xilli ay joogeen gurigooda si loo afgembiyo hoggaanka maamulka Amxaarada.

Waa markii labaad oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan arrinta ku aadan waarddiyaha lagu tuhunsan yahay inuu toogtay madaxii guud ee ciidammada Itoobiya.

Sabtidii dowladda Itoobiya waxay sheegtay in askarigaas la xiray halka Isniintii taliyaha guud ee booliska Endeshaw Tasew uu shaaca ka qaaday askarigaas uu is dilay markii uu toogtay Janaraallada.

ilaa hadda makala cadda in dhaawaca soo gaaray askarigaas uu yahay mid isaga uu isku geeystay ama inuu dhaawacay qof kale intii uu weerarka socday.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews