Kenya Airways Oo Bilaabaysa Duulimaadyo Ay Ku Timaado Somaliland
June 25, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xidhiidhka xumaaday ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia oo mar ahaan jiray kuwo jaal ka ahaa dhinaca xadka iyo duulimaadyada ka yimaada Muqdisho, ayaa Kenya Airways ay wakhti xaadirkan ay tixgalin siinaysaa sidii ay u bilaabi lahayd duulimaadyo ay ku tagto Hargeysi oo ay noqoto hadafkooda xiga ee Geeska Afrika.
Waxaanay arintani si xoog leh kor ugu qaadaysaa ganacsi dhexmara Kenya iyo Somaliland.
Kenya Airways ayaa markii hore dhamaystirtay xog ururin buuxda oo ay ka samaynaysay Hargeysa taas oo markii dambe uu Baarlamaanku okay-da ugu duugay inay duulimaadyo ku tagto Hargeysa balse tan ayaan wali dhicin.