|
berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Filayo Inuu Sameeyo Isku Shaadhayn Iyo Xil Ka Qaadis Xukumadiisa Ah Iyo Sababata Kalifaysa”Fallo Axmed Sakaaro
June 25, 2019 - Written by adminHargeysa(Berberatoday.com-Wararka laga helayo qasriga madaxtooyada somaliland ayaa sheegaya maalmaha soo socda uu Madaxwayne Muse Biixi Cabdi uu maaganyahay isku shaandhayn xukuumadiisa uu ku samaynayo seeftuna qaadanayso xubno ka mid ah golahiisa wasiirada,wararka ayaa sheegaya in isku shaandhayntani ay ka dhalatay culaysyada siyaasadeed ee soo foodsaartay xukuumadiisa iyo shirka maalmihii danbaysay la hadal hayay inuu ka qabsoomayo magaalada burco ee ay fooda isku dari doonaan beelaha galbeedka iyo Bariga Burco,shirkaasi oo ay xukuumadu isku dayday inay hakiso,AMA burburiso iyadoo beryihii u danbeeyay xukuumadu ku hawlanayd abaabulka odayaal kasoo horjeesta qabsoomida shirkaazi kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhawaaqayay saxaafada,odayaashan xukuumadu dhaqdhaqaajisay ayaa ka kooban labada beelood ee shirkaasi khuseeyo,kuwaas oo ay xukuumadu uga FAA,iidaysatay AMA wax u galisay qaabab isugu jira xeelado,dano iyo dhaqaale,iyadoona ay hada ku sugan yihiin magaalada hargaysa xubno odaayaala oo uu wasiirka arimaha gudaha Mr kaahin uga yeedhay magaalada burco,kuwaasi oo uu doonayo Inuu ka horgeeyo mid ka mid ah salaadiinta laf dhabarka u ah shirkaasi.
COMMENTS
|
||||
|
|
|||||