Madaxweyne Biixi Oo Beesha Dhexe Ku Eedeeyey In Ay Burinayso Wacadkii Ay Somaliland Ku Dhisnayd, Kana Hadlay Shirka Nairobi Iyo Jawaabta Soomaaliya
June 27, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in beesha dhexe ee Somaliland ay u muuqato in iyadu ay burinayso wacadkii la galay ee ay ku dhisnayd Somaliland. Isaga oo ku dhaliilay in beesha dhexe oo ahayd cidda marka hore beelaha kale ku riixaysay in Somaliland ay ka madax bannaanaato Soomaaliya, ay imikana siyaasiyiinteedu hadba wasiir ku xigeenno ka raadsadaan dawladda Xamar. Sida uu hadalka u dhigay. Waxa aanu intaas ku daray in haddii ay jirto lagu canaanayo in ay wacadkii Somalilandnimo ka baxday in ciddaasi tahay beesha dhexe.
Madaxeynaha oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey munaasabad qasriga madaxtooyada loogu qabtay xuska 59 guurada gobannimadii Somaliland Ingiriiska ka qaadatay. Waxa kale oo uu ka hadlay arrinta dhoofka xoolaha. Waxa aanu sheegay in xukuumaddu ay dhowr jeer arrinta xoolaha kala xidhiidhay boqortooyada Sucuudiga, dhambaalo arrintaas la xidhiidhana u direen, laakiin jawaabta ay boqortooyada Sucuudigu soo dirtay ay noqotay waraaqdan dhoofka ku xidhaysa ogolaanshiyaha Soomaaliya. Waxa aanu sheegay in arrintaas ay xukuumaddu ka qaadatay go’aan diidmo, iyada oo ganacsatada oo ay arirntan ka wada hadleenna sidaas isku waafaqeen.