Siyaasi Mustafe Shiine Oo Si Adag Uga Hor Yimi Xuska Debaal-dega 26-ka June
June 27, 2019 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa si adag uga hor yimid munaasibadii loogu dabaal-degayey sanad-guuradii 59-aad ee 26-kii June markii Somaliland xornimada ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska.
Mustafe Shiine ayaa sheegay in aanu qabin in loo dabaal-dego maalintaasi, isagoona xusey inay jirin wax ay Somaliland ugu dabaal-degto munaasibadaasi.
Mustafe Shiine ayaa sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey in Somaliland ay ku hungoowday midowgii Somaliweyn, kaasi oo uu ku tilmaamay kuwo uun gumaysi diir madow oo aanay u qudh-qudhsanayn walaalnimadii iyo caadifadii ay reer Somaliland xiligaasi waday.