Maxay Isku Hayaan Turkiga Iyo Generaal Khalifa Xaftar-ka Liibiya?
July 1, 2019 - Written by admin
Ankara(Berberatoday.com)-Dowladda Turkiga ayaa dalbatay in si degdeg ah lagu sii daayo lix qof oo muwaadiniinteeda ah,
kuwaasoo ay gacanta ku hayaan maleeshiyo taabacsan dagaal oogaha Liibiya, Jeneraal Khalifa Xaftar.
War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda arimaha dibedda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in xariga muwaadiniinteeda uu yahay “burcadnimo.”
Wasaaradda ayaa sheegtay in haddii la sii deyn waayo la-haystayaashaasi, ay bartilmaameed milateri oo sharci ah u noqonayaan xooggaga uu hogaamiyo janankaasi.