Muhaajiriin Tiro Badan Oo Lagu Laayay Dalka Libya Iyo Cida Lagu Eedeynayo
July 3, 2019 - Written by admin
Tripoli(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 40 muhaajir oo kasoo jeeda qaar ka mida dalalka Africa ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen ku dhawaad 80 kalana ay ku dhaawacmeen, kaddib marki xalay madaafiic lagu garaacay xero ay ku jireen dad muhaajiriin ah oo ku taalla dueedka magaalada Tripoli ee dalka Libya.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Libya ayaa sheegay in tirada dhimashada dadka lagu laayay xerada degmada Tajoura ee bannaanka caasimadda Libya ay intaasi ka badnaan karto. Wuxuu intaasi raaciyay in hadda ay shaqaalaha gargaarka dag dagga ah ay wali daad gureynayaan meydadka iyo dadka dhaawaca ah.