berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Guinea+Daawo Sawiro
July 3, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo maalintii shalay safar shaqo waddanka kaga ambo-baxay, ayaa maanta gaadhay caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si meeqaamkeedu sarreeyo loogu soo dhaweeyey gegida caalamiga ah ee Conakry International Airport amaba Gbessia International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea), waxana halkaa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure, waxana madaxweynaha iyo weftigiisu ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee gudaha madaarka.

Image may contain: 2 people, people smiling, people sitting

Intaa kaddib, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayey, waxa madaarka Conakry International Airport lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (helicopter)-ta loo yaqaanno, taas oo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini.

Image may contain: 3 people, people standing, suit and indoor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinayay, ayaa xarunta qasriga madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Gini lagaga gelbiyey baabuurta loogu talo galay madaxda habmaamuuskoodu sarreeyo, waxana la geeyey Huteelka Kaloum ee badhtamaha caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini ee Conakry. Iyadoo berrina si toos loo gudo gelidoono ujeedka safarka iyo kulamadii muhiimka ahaa ee labada Madaxweyne.

Image may contain: 3 people, people sitting and table
Image may contain: one or more people

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtu.be/MSa_EtMBbUA

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews