Libiya”Muhaajiriin Gaajo Ugu Geeriyooday Hangar Ay Bilo Ku Xidhnaayeen
July 4, 2019 - Written by admin
Tripoli(Berberatoday.com)-In ka badan 20 Muhaajiriin ah ayaa u Geeriyooday Gaajo iyo Harraad, ka dib markii dhowr bilood lagu haystay Saxaraha galbeed ee Liibiya.
Inta ka bedbaadday dhibaatada taalla Saxaraha Liibiya ayaa Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay iska indho-tireen intay dhacayeen dhibaatooyinka ku qabsaday Saxaraha Liibiya, wax qabashadooduna soo daahday.
