Somaliland Oo UN-ka Ugudbisay Dacwad ka Dhan ah Maamulka Hawadda ee Soomaaliya Sheegatay in lagu Wareejiyey
July 4, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay gudbisay dacwad ka
dhan ah talaabadda ay Xukuumadda itaalka daran ee Soomaaliya ay ku sheegatay inay Hay’adda ICAO kala wareegtay maamulkii hawadda ee Soomaaliya iyo Somalilan-ba.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa soo xigatay Wargeyska East African Business Week oo ka soo baxa Uganda, oo maanta daabacay in Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar uu xaqiijiyey in dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay dacwad u gudbisay UN-ka, maadaama oo uu hore u jiray heshiis la kala saxeexday oo ku wajahnaa maamulka hawadda oo hore Somaliland iyo Soomaaliya ugu kala saxeexdeen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, hase ahaatee ay heshiis jabisay Xukuumadda Muqdisho.