Mareykanka Oo Ku Guuleystay Koobka Aduunka Ee Dumarka
July 8, 2019 - Written by admin
USA(Berberatoday.com)-Xulka kubadda cagta gabdhaha Mareykanka ayaa maanta oo Axad ah ku guuleystay Koobka Aduunka ee Dumarka, kaddib marki ay 2-0 uga badiyeen dhiggooda Holland, ciyaarti kama daneysta aheyd.
Labada gool ee ay Mareykanka ku garaaceen xulka Netherlands ayaa waxaa qeybti labaad kala dhaliyay Megan Rapinoe iyo Rose Lavelle. Waxana guushani ay ka dhigeysaa Mareykanka in ay markoodii afraad ku guuleysteen koobka.
Holland oo kaalinta labaad ku dheystay ayaanan wiligood ku guuleysan koobka, waxana ay aheyd marki ugu horreysay oo ay soo gaaran finalka oo maanta ka dhacay dalka Faransiiska.