Dalalka Africa Oo Yeelaneya Soon Ganacsi Oo Xor Ah
July 8, 2019 - Written by admin
Niger(Berberatoday.com)-Madaxda Africa ayaa maanta ku kulansan magaalada Niamey ee caasimadda dalka Niger, si ay ugu dhawaaqaan zoon ganacsi oo xor ah oo ka wada dhaxeeya dhamaan qaaradda Africa.
Barnaamijka Zoonka Ganacsiga Xorta ah Africa ayaa haddii uu guuleysto waxa uu mideyn doonaa 1 bilyan iyo 300 oo milyan oo qof oo ku nool Africa, waxana uu abuuri doonaa fursado ganacsi oo gaaraya $3.4 trillion oo doollarka Mareykanka.
Mashruucan oo Africa u furi doona bog cusub oo horumar dhaqaale ah, ayaa wadahadalkiisu ay soo billowdeen 17 sannadood ka hor, hase yeeshee kaddib afar sano oo wadahadallo aad u adag oo ay dhamaan madaxda Africa ka yeelanayeen ganacsiga xorta ah ee qaaradda ayay maanta hogaamiiyaasha dhaqaajiyeen mashruucan ganacsi.