Wasiir Faratoon oo Tagay Shirka Hoggaamiyeyaasha Afrika uga Furmay Dalka Niger
July 8, 2019 - Written by admin
Niamey(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa gaadhay Niger ee galbeedka Afrika, halkaasi oo uu ka furmay shir ay yeesheen Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Niger Mr. Ibrahim Yacoubou iyo masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xukuumadda Niger ayaa qaabiley Wasiir Faratoon markii uu gaadhay caasimadda Niamey maanta.