Dawlada Soomaaliya Oo War Ka Soo Saartay Dacwadii Bada Kana Hadashay Xidhiidhka Somaliland Iyo Guinea Conakry.
July 12, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa war kale ka soo saartay dacwada muranka xuduuda bada ee u dhaxeeya dawlada Kenya.
Wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay warar sheegaya in xukuumada Muqdisho ay dib ula soo noqonayso dacwada bada ee ay gaysay maxkamada ICJ taas oo ka dhan ah dawlada Kenya.
Sidoo kale wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxa uu ka hadlay wadamo fara gelin ku haya soomaaliya waxaanu yidhi “Dalkii damca inuu fara geliyo arimaha soomaaliya waxaanu sheegaynaa aduunka in aanaan u dulqaadan doonin, dalalka mararka qaarkood farageliya arimahayaga waa fara kutiris dalalka badan ee aduunkana saaxiib ayaanu la nahay waanay ixtiraamaan qaranimada soomaaliya sida ay qabaan qawaaniinta aduunku.”
Wasiir Cawad oo la waydiiyey in talaabadii ay xidhiidhka ugu jareen wadanka Guinea Conakry ay ku sii fogaynayaan somaliland isla markaana aanay diyaar u ahayn wada hadal ayaa waxa uu ku jawaabay “Arinta Guinea iyo somaliland wax iska galay anigu ma aqaano, soomaaliyana waxay ilaashanaysaa midnimada dalkeeda, dadkeeda, qaranimadeeda iyo sharafta umadeeda, somaliland-na waxay ka mid yihiin dadka soomaaliyeed ee aanu sharaftooda, qaranimadooda iyo midnimadooda ilaalinayno, anaga iyo somaliland-na walaalo ayaanu nahay waana qayb ka mid ah soomaaliya sida aduunku u aqoonsan yahay.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyey midnimada aan jirin ee soomaaliya waxaanu yidhi “Walaalahayagaa waanu isku dhanahay waanan israbnaa waanan isla hadlaynaa waanan isla noolnahay waligayana waanu isla noolaan doonaa, Guinea-na waxba kama galin haday nagu soo xad gudubtana anaga ayey noo taalaa sida aanu ula dhaqmayno.”