berberatoday.com
Halkan Ka Akhriso Warkii Udanbeeyay Ee Markabkii Xoolaha Dawlada Sucuudigu Ku Xanibtay Ee Dekeda Berbera Laga Raray
July 13, 2019 - Written by admin

Jeddah(Berberatoday.com)-Markabka M/V Fahad Oo Dekadda Magaalada Berbera Ka qaaday Xoolo dhan 19,633 neef oo adhiya Ayaa Dawlada Sucuudigu ku xidhay Dajinta Xoolaha Saaran Markabkaasi Warqad Fasaxaad ah oo lagaga Rogi lahaa taas oo ay soo qorayso Dawlada Muqdisho ka Arrimisa Ee Madaxweyne Farmaajo.

Markabkan oo Labadii maalmood ee udanbeeyay xoolaha la taagnaa Dekeda Jeddah ayaa dawlada Sucuudigu diiday in laga rago xoolahaas waraaqdaas fasaxaada ah la,aanteed.

Banka Islaamka oo Xoolaha Xajka soo bixiyay ayaa waanwaan ilaa xalay ilaa saaka kula jiray dawlada Sucuudiga iyada oo lagu qancinaayay Xukumada Jeddah inay xoolahan rogaan wixii danbena laga wada hadlo qaabka ay ku imanayaa dalka Sucuudig,

Dawlada Sucuudiga ayaa la sheegay inay ku gacan seydhay waanwaantaas oo diiday in Markabkaasi hadii aanu waraaqdaas Fasaxaada Dawlada Somaliya sidanin uu xoolaha ku celiyo Berbera oo ah halkii laga soo raray waxaana hada markabkii la saarayaa oo ku socda biyihii iyo Cawskii Xoolaha lasoo siin lahaa mudada afarta maalmooda ee uu bada kusoo jiro waxaana la filayaa inuu markabku goordhaw kasoo goosan doono Dekeda Jeddah isaga kusoo jeeda Dekeda Berbera oo hore looga raray.

Warkan ayaa waxa Shabakada Wararka ee Berberatoday.com uxaqiijiyay Badmareen saaran Marka kuwa xoolaha qaada ah oo Dekeda Jeedah ku Xidhan Muwaadinka warka nasiiyay oo kasoo Jeeda Somaliland ayaa sheegay in xalkii udanbeeyay ee M/V Fahad uu halkaas marayo.

Ilaa Hada Xukumada Somaliland iyo Ganacsatada Markankan rartay ayaa ka hadal xaalada Markabkan Xoolaha Lagu soo celiyay waxaana laga raray Markabkan Maxjarka Unated Guranteen oo Berbera Kuyaala ayna leeyihiin ganacsato Dhoofka xoolaha ka shaqeeyaa,

Xukumada dawlada Xamar ayaa hore usheegtay in Xoolaha Somalida ee Dalka Sucuudiga loo dhoofinayo Dekeda Kasta iyo Maamul Kastaba Ha Dhoofiyee waraaqohooda Fasaaxada ay bixin doonto Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Beeraha Dawlada Somaliya arinkaas oo Xukumada Somaliland Ku gacan saydhay ayaa hadana waxa jiray warar la soo galiyay baraha bulshada oo sheegaayay in dawlada Sucuudigu arinkaas ka noqotay oo Xoolaha Somaliland ka dhoofa sitoosa ula macaamili doonto Warkaasina waa beenoobay oo waataas markabkii uhoreeyay ee Dekeda Berbera laga raray lsoo celiyay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews